Wasaarada Kallumaysiga Iyo Horumarinta Xeebaha JSL Ayaa Maanta Hotel Maansoor Ku Qabatay Kulanka Bahwadaagta Shaqo ee Kalluunka

Wasaarada Kallumaysiga Iyo Horumarinta Xeebaha JSL Ayaa Maanta Hotel Maansoor Ku Qabatay Kulanka Bahwadaagta Shaqo ee Kalluunka
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Horumarinta Xeebaha Jsl Meecaad Cabdilaahi Diiriye Ayaa Furay Kulanka Isagoo Ku Dheeraaday Ahmiyadda Kulankani U Leeyahay Wasaaradda Iyo Haayadaha Ay Wada Shaqaynta Leeyihiin

Kulanka oo Wasaaraddu Kusoo Marti Qaaday Haayadaha Iyo Ngo-yadda Ka Shaqeeya Kalluunka Ayaa Warbixino Lagaga Dhagaystay Madaxda Haayadaha ee Kasoo Qayb Galay Iyagoo Halkaas Kusoo Bandhigay Mashaariicda Ay Kala Shaqeeyaan Wasaaradda

Sidoo Kale La Taliyayaasha Wasaaradda Iyo Agaasimayaasha Waaxaha Qorshaynta Iyo Kalluumaysiga Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Horumarinta Xeebaha Jsl Ayaa Iyaguna Halkaas Kusoo Bandhigay Warbixinadda Mandate-ka Wasaaradda Iyo Mashaariicda Ka Socda Wasaaradda