Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha Jsl Ayaa Magaaladda Berbera Kusoo Bandhigtay Qorshe Hawleedka Wasaaradda ee Sanadka 2024 ay wasaaraddu ku shaqayn doonto

Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha Jsl Ayaa Magaaladda Berbera Kusoo Bandhigtay Qorshe Hawleedka Wasaaradda ee Sanadka 2024 ay wasaaraddu ku shaqayn doonto
Munaasibadan oo Lagu Qabtay Magaaladda Berbera Ayaa waxa Kasoo Qayb Galay Madaxa Gobolka oo uu ugu horeeyo badhsaabka gobolka gudoomiye ku xigeenka degmadda berbera, maareeye ku xigeenka dekedda, gudoomiyaha culuumta jaamacadda badda berbera taliye qaybeedyadda gobolka ee Ciidamadda ilaaladda xeebaha iyo booliska, Iskaashatadda Kaluunka shirkadaha soo saara kaluunka iyo marti sharaf kale
Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysiga mudane meecaad Cabdilahi Diiriye oo kalmada soo dhawaynta munaasibadda ka jeediyay ayaa sharaxaad ka bixiyay ahmiyadda kulankani u leeyahay wasaaradda
sidoo kale waxa madasha ka hadlay madaxda kala duwan ee kasoo qayb gashay iyagoo ku dheeraaday shaqadda wasaaraddu qaranka u hayso.
Gudoomiyaha haayadda shaqaalaha dawladda oo kulanka ka hadlay ayaa madaxda wasaaradda ku bogaadiyay qorshaha ay wasaaraddu soo bandhigtay isagoo gudoomiyuhu tilmaamay ahmiyadda wasaaraddu ugu fadhido qaranka.
Wasiirka wasaraaradda kaluumaysiga iyo horumarinta xeebaha mudane raabi cabdi maxamed oo kulanka ka hadlay ayaa ku dheeraaday faahfaahinta qorshaha wasaaradu soo bandhigaytay ugu dambayntii la taliyayaasha wasaaradda iyo agaasimayaasha waaxaha ayaa halkaas ku soo bandhigay qorshaha sanadka ee wasaaradda..