Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga oo Shir Gudoomiyay Shirka Todobaadlaha ah ee Agaasime Waaxeedada

Wasiirka Wasaarada Kallumaysiga Iyo Horumarinta Xeebaha JSL Mudane Maxamuud Warsame Jaamac Ayaa Maanta Shir Gudoomiyay Shirka Todobaadlaha ah ee Wasiirka, Agaasimaha Guud Iyo Agaasime Waaxeedada Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Horumarinta Xeebaha
Shirkan ayaa Wasiirku Warbixinada shaqadii la qabtay todobaadkii hore kaga dhagaystay Agaasime Waaxeedada Iyadoo Agaasime kastaa Soo Jeediyay Warbixin Dhamaystiran oo Ku Aadan Wixii U Qabsoomay Waaxdiisa Iyo Caqabadihii Kahor yimi
Wasiirka Ayaa Kulanka Ka Sheegay In Loo Diyaar Garoobo Sidii Loo Laban Laabi Lahaa Shaqadda Wasaaradda Iyadoo Ugu Dambayntiina Qodobo Muhiim U ah Shaqadda oo Wasiirku Soo Jeediyay Halkaas Lagu Kala Qaatay