warsaxaafadeed
Fadhigii 40-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), isla markaana uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.
warsaxaafadeedkan
Waxa ka war bixiyey Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda JSL, Muddane Cali Jaamac Faarax, isaga oo Golaha Wasiirrada uga xog warramay xaaladda guud ee Kalluumaysiga Somaliland, gaar ahaan Xarumaha Baraf-dhaliyayaasha ee ku yaala magaalooyinka xeebaha.
Wasiirku waxa uu xusay in ay kiciyeen dhowr Xarumood oo Baraf-dhaliyaal iyo Qaboojiye ah oo ku yaala Goballadda Sanaag iyo Awdal.
Wasiirku waxa kale oo ka war bixiyey wafti ka socday Wasaaradda Kalluumaysiga ee dalka Yemen oo booqasho ku yimid Somaliland, iyo Qobadadii wada-shaqayneed ee ay isla af-garteen labada Wasaaradood. Wadahadalladan waxa hogaaminayey Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Sharmaarke Cabdi Muuse.
Read More
Nov 13, 2025
Agasimaha guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga
Agasimaha guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland Liiba...