Agaasimaha Guud ee Wasaarada Kalluumaysiga Iyo Horumarinta Xeebaha JSL oo Furay Kulanka Soo Dhawaynta ..

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Kalluumaysiga Iyo Horumarinta Xeebaha JSL Mudane Meecaad Cabdilahi Diiriye Ayaa Maanta Furay Kulanka Soo Dhawaynta Shaqaalaha Shaqo Qaran Iyo U Ibo Furka Shaqooyinka Wasaaradda
Kulankan oo Ka Dhacay Xarunta Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Horumarinta Xeebaha Jsl Ayuu Agaasimaha Guud Kula Dardaarmay Shaqaalaha Cusub ee Shaqo Qaran Kuwasoo Lagu Soo Qoray Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha
Agaasimaha Guud Ayaa Ugu Horayn Kusoo Dhaweeyay Shaqaalahaas Wasaaradda Isagoo U Sharaxay Shaqadda Wasaaraddu U Hayso Qaranka Iyo Muhiimadda ay Leedahay Inay Wakhtiga Shaqadda Ilaaliyaan
Ugu Dambayntii Agaasimaha Waaxda Cududda Shaqaalaha ee Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Horumarinta Xeebaha Marwo Samsam Farxaan ayaa Halkaas Kusoo Bandhigtay Xeerka Guud ee Shaqaalaha iyo Qodobo Ka Hadlaayay Isla Xisaabtanka Shaqo ee Wasaaradda Dhexdeeda